Post View....

godoomiyaha gobalka banaadir ayaa ku amray in booliska somalia furunta hori lageeyo.

0
7
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana Kulankan goob Joog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaalada kor loogu qaadayo wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay garab istaaga talaaba kaste oo qeyb ka ah wada hadaladaasi.
Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho garab istaaga uu u muujiyay talaabooyinka socda ee looga mira dhalinaayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha soomaaliyeed ee reer Soomaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa galabta Magaalada Muqdisho ka ambabixiyay Cutubyo Ciidan loo diyaariyay in ay ku biiraan furimaha dagaalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
Cutubyadaan Ciidamada ee uu furimaha u diray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaaya qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyagoona furimaha dagaalka kula Midoobi doonna Ciidamada Xooga dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa cutubyadaan kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan sifeynta Kooxaha Khawaarijta, asigoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho ay ka go’an tahay sidiiay u taageri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir Ahna Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Dabagalka iyo qiimeynta Degmooyinka iyo Deeganada G/Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Ahna Gudoomiyaha Guddiga Dabagalka iyo qiimeynta Degmooyinka iyo deeganada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (yabooh), iyo qaar ka mida Xubnaha Guddiga Ayaa isla Xisaabtan shaqo ugu tagay Maamulka Degmada dayniile ee Gobolka Banaadir.
Marka uu kulanka soo dhamaaday kadib Waxaana faah faahiyay kormeerkii maanta Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dhinac, fulinta Mashaariicyo Horumarineed, iyo soo nooleynta Mataaneynta Muqdisho iyo Milano.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan ayaa sidoo kale looga hadlay dar-dargelinya dhismaha xarunta Casa Italia iyo Taageerada Dawladda Talyaaniga ee ku aadan la dagaalanka ka dhanka ah Khawaarijta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Danjiraha Dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Qorshaha Xasilinta Deegaanada laga xorreeyay Cadowga Khawaarijta Al-Shabaab iyo ka fulinta goobahaasi Mashaaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso Adeegyada Bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Magaalada Muqdisho ka ambabixiyay Cutubyo Ciidan oo loo diyaariyay in ay ku biiraan furimaha dagaalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

About Author