
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “SOOMAALIYA QURXOON OO AY NAGU MAHADIYAAN KUWA U DABBAAL DEGI DOONA SANNAD GUURADA 100-AAD AYAA LA RABAA IN AYNU HIRGELINNO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.
Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano k.addib xornimada
Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed
Hanbalyadii Madaxweynaha
Waxa aan ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi.
Qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan ayaa ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.Waxa aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri waxaa hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.
Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran.Waxa aan bogaadinayaa xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxaase ka dhiman waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxaana naga go’an xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.
Hadaljeedintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa uga qeyb galay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar xuska munaasabadda 26-ka Juun, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeeyay farxadda iyo dabaal-degga munaasabadan oo astaan u ah gobonimada Gobollada Woqooyi ee dalkeena.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkan qiimaha badan ee 26-ka Juun ku tilmaamay habeen ku suntan gobonimo iyo wadaninimo ee dalkeenna isla-markaana ah markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taagay beerta xorriyadda ee magalada Hargeysa, iyada oo astaan u tahay jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu Alle uga baryay inuu naxariistiisa ka waraabiyo dhammaan halyeeyadii usoo halgamay xorriyadda dhulka Jamhuuriyadda.
Gunnaanadka munaasabadda ayuu Guddoomiyaha waxaa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan ilaalinta midnimadooda iyo wadajirka shacabka si looga baaqsado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kalsooni daro shacab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar oo lagu maamuusayay xuska 63-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobolada Waqooyi xorriyada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska islamarkana dhulka Soomaaliya laga taago Calanka Buluuga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay qiimaha ay habeenkan 26-June ugu fadhiso malaayiinta ummadeed ee wadaagta isirka Soomaaliya maadaama ay ku beegaan tahay markii ugu horeysay oo uu dhul Soomaaliyeed ka xorroobo gumeyste shisheeye islamarkaana ka babado Calanka JS.