× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Tahriibeyaal ku dhintay badda Mediterranean-ka iyo kuwa kale oo lagu la’yahay.
WARKA

Tahriibeyaal ku dhintay badda Mediterranean-ka iyo kuwa kale oo lagu la’yahay.

TUNIS — Ugu yaraan 8 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia khamiistii, xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Idaacadda Monastir ee dawladda.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay magaalada Chebba ee gobolka Mahdia.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax. Waxa uu intaasi ku daray in inta badan Tahriibayaasha doontaasi la socday ay u dhasheen dalka Tunisia.

Xeebta Sfax ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka saboolnimada kasoo cararaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay fursad ugu helaan nolol dhaanta Yurub.

Bilihii la soo dhaafay, tobabbaan dad ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia, iyadoo ay kordheen isku dayga ka imaanaya Tunisia iyo Liibiya ee dhanka Talyaaniga.

Boqolaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay safar halis ah ku galay badda Mediterranean-ka.

Reuters

About Author

1

Kamal