
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa wali kasocda magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa waxa ay kawada hadlayaan arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga, La dagaalanka Al-Shabaab, Xoojinta xiriirka & qodobo kale.
Muqdisho waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Galmudug halka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalintii 1aad ee shirka uga qaybgalay Muuqaalka fogaan-aragga.
Madaxda ayaa is dhaafsaneysa doodo la xiriira sida loo sugi karo ammaanka guud, iskaashiga ay ka sameyn karaan, qorshaha lagu wajahayo dagaalka Al-Shabaab & dhammaan macluumaadka kale ee hoostaga sugidda Amniga.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa saacadaha uu xirnaa shirkaan waxa ay sameeyeen kulamo gaar gaar ah oo dhexdooda ah & kuwo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw.
Marka uu soo idlaado Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa lagu wadaa in warmurtiyeed lagu muujinayo qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka & kuwa Dowlad-Goboleedyada lagu soo bandhigo.