
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska.
Madaxweynahalkaa oo uu uga qeyb galayo maalinta Berrito ah Aaska Boqoraddii Ingriiska Elizabeth II oo geeriyootay 8 September 2022.
Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galay shirar uu la yeeshay Madaxda dalkaasi iyo dadka daneeya Arrimaha Soomaaliya.