× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Muuse Biixi: Aduunku kaa fasax qaadan maayee “Anigu waxaan ku leeyahay afka ha iska xumeyn Xasanow”.
WARKA

Muuse Biixi: Aduunku kaa fasax qaadan maayee “Anigu waxaan ku leeyahay afka ha iska xumeyn Xasanow”.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar ka mid ah mucaaradka Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa dhaliilay hadal madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dalka Mareykanka, oo ahaa in dowladdiisu aanay marnaba ogolaaneyn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay Soomaalida ku dhaqan magaalada Washington ee dalka Mareykanka iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay in dowladdiisu aanay aqbalayn gooni-isu-taagga Somaliland isla markaana wax gorgortan ah ka gali doonin midnimada Soomaaliya.

Balse hadalkaasi ayaa ka caraysiiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Faysal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Somaliland ay markii horeba ku khaldanayd in wax wada-hadal ah la yeelato dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay maareyn la’ xallinta dhibaatada gudaheeda.

“Xasan Sheekh malaha waxa uu is leeyahay shacbka reer Soomaaliya oo aan jecleyn inay Somaliland dal noqoto raali gelli, marka afka unbuu iska xumeynayaaye wax awood ah oo ku leeyahay Somaliland gooni isu taageeda ma jirto.”

“Somaliland horeyna dal ayay u hayd oo dal kale ku darsaday gobol ma aysan ahayn hadana dalkeedii gacanta ayay ku haysaa.”

“Adduunkuna Xasan ma dhegysanayee, ee waa daneystayaal oo dalkasta dantiisa ayuu eeganayaa marka dalkii anaga dan naga leh isaga inoo iman doono ee Xasan ka fasax qaadan mayaan, anigu waxaan leeyahay afka ha iska xumeyn Xasanow.”

“Anaga iminka isku jeednee maalintii ay doorasho noo dhacdo aan gudahaya hagaagsano waad arki doontaa in aanu wax laba sano ka badneyn heli doono ictiraafka yaga. Adduunku waxbaa la kala iibsadaa ee macdantii baanu leenahay, istaraatijiyaddii baanu leenahay, aqoontii baanu leenahay, dad nabad iyo dimuqraadiyad jecel oo mideysan baanu nahay marka isagoon wixiisa adkeysan inuu Somaliland ku ordo khalad ayay ahayd.”

Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna si kulul uga jawaabay hadalka Xasan Sheekh eek u qotoma gooni isu taagga Somaliland.

“Horta gooni isu taagga Somaliland waxa uu ahaa go’aan ay soo gooyeen oo isku raaceen shacabka Somaliland, hadba madaxdii joogtana wakiil ka ahayd, taana ma ahan mid Xasan Sheekh iyo Xamar nin jooga wax laga weydiinayo.”

“32 sano dal madax bannan baanu ahayn, hadalkaa aad tiri cadaawadda unbuu sii kordhinayaa, caqli xumana wey tahay marka waxaan ku leeyahay laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah ma ahaanaa waa haddii ay adiga ku deeqeyso.”

Muuse Biixi oo sidoo kale jawaabayay hadalkii Xasan sheikh ee ahaa: “ Waxaan oggolahay in wixii hormarin ah aan siino, ma dooneyno inaan culeys ku saarno muruqayaga siyaasadeed,”  ayaa yiri: Haddii aad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay, maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ah ee Afrika soo uruurisay.”

“Waxaan la yaabanahay inaan faanto oo aad tiraahdo Somaliland muruqeyga uma isticmaalayo adigoo Burundi iyo Uganda ku ilaaliyaan,”ayuu yiri Muuse Biixi.

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa jiray wadahadallo dhawr ah oo dhermaray labada dhinac oo ugu dambeeyay kii Jabuuti ka dhacay kaas oo aysan ka soo bixin natiijo wax ku ool ah.

Maxaa sababay in Soomaaliya iyo Somaliland ay dib isugu soo noqon waayaan ka dib wadahalladii Jabuuti?

Cabdi Maxamed Sabriye, oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay: “Waxaan tuhmayaa in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland horumar laga gaaro ay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.”

Wuxuu carabka ku dhuftey in wadahadalladii ugu dambeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu ballamay in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybood iney wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xiriirey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiir Cabdi, wuxuu hoggaaminayey xiligii wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, ay ku cuslaatey xallinta dalab ka imanayey Somaliland.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weysay inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.

Wasiir Sabriye, ayaa sidoo kale yiri, “Xaaladdu waxay dhaafi waysay soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyiga, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo goor sii horreeysay BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Wadahadalladii hore u dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loo fasirtay in labada dhinac ay ka wada hadlayaan sidii ay mar labaad u midoobi lahaayeen oo heshiisyo cusub u geli lahaayeen waxayna taasi keentay inay dib u gurtaan waddamadii doonayay inay na ictiraafaan.”

Halkey ka soo billowdeen wadahadallada?

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan.

Xigasho:BBCSomali

About Author

1

admin