Post View....

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda G/Galgaduud.

0
135

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Xoogga oo garabsanaya Ciidamo deegaanka ah iyo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Dhuumoodle oo aan ka fugeyn Cadakibir oo hoostimaada degmada Baxdo.

Wariyaasha ka soo hadlaya magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen goobo ay Al-shabaab uga sugnaayeen deegaanka Dhuumaadle.

Intaasi waxaa uu ku daray in weli la maqlayo rasaas xooggan oo labada dhinac isweydaarsanayaan, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaannada hoos yimaada degmada Baxdo, taasi oo sababtay in dadka shacabka ah, si iskood ah isu abaabulaan.

About Author