Post View....

Yoweri Museveni oo sheegay inuu ka fiirsanayo nooca tallaalka feyriska Corona ee uu qaadanayo.

0
105

Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in wali ” uu ka fiirsanayo nooca tallaalka feyriska Corona ee uu qaadanayo”.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii ay dowladiisa bilawday in shacabka ay siiso tallaalka shirkadda AstraZeneca oo dalkaasi soo gaaray.

Qaar ka mid ah madaxwaynayaasha qaaradda Afrika ayaa goob fagaaro ah ku qaatay tallaalka feyriska Corona si meesha looga saaro shakiga ay shacabka ka qabaan tallalka ee ku aadan badqabka iyo waxtarkiisa.

Khudbad uu xalay ka jeediyay telefishinka, ayuu madaxwayne Museveni ku sheegay in wali uusan qaadan tallaalka sababtoo ah buu yiri “in wali uu taxadar muujinayo”.