Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ay udirtay Xubnaha Beesha caalamka.

Hadalka Wasiir Dubbe Ee digniinta kusocotay Danjireyaasha Caalamka Ee Soomaaliya ayaa weji kale loo yeelay.

Swan iyo Berlanga ayaa inta badan xal raadinta Doorashada Soomaaliya ka Dhaceysa 2020/2021-ka ku mashquulsanaa.

Laakiin Yamamoto wixiisa waa Amar iyo hadal adag uu ku hadlo islamarkaana Warsaxaafadeedyada beesha caalamka ayuu adkeeyaa.

Farmaajo ayaa raba in Safiirkii ama Diblomaasigii ka hor yimaada wixii uu rabo uu Dalka ka ceeriyo si la mid ah Wakiilkii Swan ka horeeyey ee Nicholas Haysom la buriyey.

Dawlada Norway oo qoraal qalafsan xalay Farmaajo kula hadashay waxay ku bedeshay qoraal kale markii ay maanta hadal jilicsan soo qoreen.

Villa Soomaaliya ayaa isticmaaleysa awood Diblomaasiyadeed Oo ku dhisan aqoon iyo ka feejignaan in lagu xad gudbo qaranimada.

Ma cada go’aanka ay qaadan doonaan Beesha caalamka kadib fara gelinta inay daayaan ay ku hayaan Arimaha Soomaaliya.