
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa caawa wada hadal uga socdo Hotelka Chelsea Village ee ku yaalla xeyndaabka garoonka.
Wada hadalkan iyo isu keenida labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo kala jeeda labada Maamul.
Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa muddooyinkan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee Madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday Madaxweyne Qoorqoor.
Qoor Qoor ayaa kamid ah xubnaha sida weyn oo u garabsanaayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday halka Deni oo yahay shaqsiga sida weyn u difacaayo Axmed Madoobe iyo koxaha mucaaradka oo madaxweyne Farmaajo siyaasad ahaan kasoo horjeydo.