
Waxaa goordhow uu shir u soo gabagaboobay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ahaa mid talo wadaag ah oo dhinacyada isku aragtida uga arrinsanayeen shirka berri ka dhacaya Teendhada Afisyooni.
Wararka ayaa sheegaya in markii dambe uu shirka gadaal kaga soo biiray Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay arrimaha siyaasadda.
Shirkaan kadhici doono teendhada Afisyooni ayaa ah mid xal loogu raadinaayo waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka gaar ahaan dowladaha saameynta kuleh dunida oo ugu horeeo mareekanka waxaana lagu wadaa in madaxda Soomaalida lagu cadaadiyo in doorasho deg deg ah qabtaan.
Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa siweyn oga caga jiidaayo shirkaan garwadeenka ka yahay James Swan iyo safiirka mareekanka inkastoo villa Soomaaliya marar badan isku dayday in ay fashiliso.