Iyadoo ay beesha Caalamka dadaal ugu jirto qabashada shir madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboledyada ku yeeshaan Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya caqabado uu shirkaasi wajahajo.

Beesha Caalamka ayaa fulisay qodob ka mida shuruudihii ay wateen Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ahayd in shirka lagu qabto Goob dhexdhexaad ah ayaa u qoondeysay in lagu qabto Xarunta Afisyoone, waxaana markaas kadib soo baxay inuu si weyn uga caga jiidayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Intii qabanqaabada shirkan ay bilowday Beesha Caalamka waxay madaxtooyada Soomaaliya si cad ugu soo shaac baxay inysan raali ka ahayn shirkaasi, waxayna qaaday tallaabooyin ay ku fashilineyso shirka Afisyoone, ayna ku hordhigeyso caqabado ugu yaraan keeni kara inuu jiitamo ama aanay natiijo kasoo bixin.

Saddex qorshe oo Farmaajo u dejiyey inuu shirka Beesha Caalamka ku fashiliyo ayaa kala ah:

1- In shirku ku koobnaado saxiixidda is-afgradkii lagu gaaray magaalada Baydhaba ee Guddiyada Farsamada gaareen. Arrintan oo ay ka horjeedan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

2- In shirku aanu ka qeyb gelin Farmaajo, una xil saaro Ra’iisal wasaare Rooble. Arrintan oo beesha Caalamka diidan tahay.

3- In Madaxtooyada ay adeegsato madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada taageersan si ay markooda uga hor yimaadaan Shirka Afisyoone.

Waxaa muuqata in Farmaajo ujeedkiisu yahay inaan la qaban Doorasho aanu hubin inuu kusoo baxayo, isagoo adeegsanaya farsamooyin badan, arrintuna isku bedeshay loolan siyaasadeed iyo dano gaara oo ay isku heystaan Farmaajo iyo taageerayaashisa oo dhinac ah iyo Deni/Madoobe iyo isbaheysigooda musharixiina oo dhinaca kale ah.

Beesha Caalamka ayaa hadda wajihi doonta xaalad kale oo adag oo xal loogu helayo caqabadaha la hordhigay shirkii ugu danbeeyay ee la isugu keenayo madaxda kala didsan ee Soomaalida.

Isha: Goobjooge