
Xogo muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in talisna NISA oo kaashanaya xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ay uu qorsheynayo weerar lagu qaado qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka gaar ahaan xubnaha ugu miizaanka culus musharaxiinta madaxweynaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya loo diyaariyay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin musharaxiinta qaar oo aan helin magacyadooda,balse xogtooda weerar na soo gaartay.
Xubnaha weerarka uu ku wajahan yahay ayaa degan xeydaabka Garoonka diyaaradaha gaar ahaan agagaarka Hotel Jazeera oo ay inta badan degan yihiin mucaaradka ugu weyn Soomaaliya.
Sida xogaha qaar ay sheegayaan, Sarkaalka weerarkan loo xil saaray ayaa lagu magacaabaa Faarax Qaroole oo ah taliyaha ciidanka Haramcad oo ah ciidamo Booliska hoostaga balse si aad ah u tababaran, kuna roon shiishka.
Ciidankan ayaa horay waxay u weerareen hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame oo ah hoggaamiye mucaaradka oo dhiiga ku kariyay madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Musharaxiinta madaxweynaha ayaa horay uga digay weerar uga yimaada Dowladda Federaalka, waxayna Dowladda 19-kii bishii February weerar ku qaaday Hotel Maa’ida oo ay deganaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.