
Maanta waxaa teendhada Afisyooni ku showraya Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.
Waxaa la filayaa goordhow in ay saxaafadda la hadli doona Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka hadlaya in Farmaajo in kooxdiisa ay wataan ajendeyaal laga guuray, oo marin habaabin ah!
Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay xalay ku heshiiyeen in ajendaha lagu koobo natiijada guddiyada farsamo ee Baydhabo 15-16 bishii Hore iyo in aaney shirka iman xubno ka socda musharaxiinta, taasi oo Puntland iyo Jubbaland diidan yihiin!
Madaxweynaha muddo xileedka ka dhamaaday waxaa uu doonayaa in ajendaha lagu koobo wixii lagu kala tagay ee Dhuusamareeb 4 ee Guddiyada doorashada, Gedo iyo Somaliland.
Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale.