Tariibe Soomaali ayaa lagu khasbay inuu ku noolaado Waddooyinka dalka Faransiiska, kadib, markii ay labo waddan oo Europe ah ku gacan sayreen inay isaga u xaqiijiyaan Magangelyo.
Axmed Maxamed oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegay inay Dowladda Faransiiska ku gacan-sayrtay Codsigiisa, kadib, markii uu 2 sano sugayey jawaabta codsigiisa.
Muhaajirka oo magacyo kala duwan u isticmaalo sababo la xiriira walaaca dhanka Ammaanka waxa uu tilmaamay inay laga soo cayriyey Xarun Magangelyo-doon oo ku taalla Faransiiska, isla markaana ay dantu ku kalliftay inuu isaga noolaado Waddooyinka dalkaasi.
Axmed Maxamed waxa uu tilmaamay inuu markii ugu horeysay magangelyo ka codsaday dalka Belgium, isagoo 11 bilood ku nool Xarun Magangelyo oo buux-dhaaftay, balse, ay Dowladda Belgium ku gacan-sayrtay Codsigiisa Magangelyo-doonka.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Kiiskiisa u gudbiyey Maxkamadda Rafcaanka ee Belgium, balse mar kale lagu gacan-sayray Codsigiisa, taasi oo ku kalliftay inuu u safro Faransiiska sanadkii 2017-kii.
Axmed Maxamed waxa kale oo uu sheegay inuu muddo dheer sugayey Codsigiisa magangelyo-doonka Faransiiska, iyadoo Wareysi lala yeeshay bishii Janaayo ee sanadkii hore, balse, la laalay codsigiisii.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuu Go’aankaasi ka qaatay Rafcaan, iyadoo uu Qareen is-xilqaamay uu isaga difaacay, balse, Codsigiisa waxaa la diiday mar lala yeeshay Wareysi Labaad bishii October ee sanadkii hore.
“Waxaan ku jiraa xaallad aad u adag. Waxay iigaga tageen Waddooyinka, xilli ay jirto Khatarta COVID 19. Noloshayda iyo Caafimaadkayga waxay ku jirtaa Khatar. Ma awoodi inaan xitaa dib ugu laabto dalkayga” ayuu Axmed Maxamed ku sheegay Wareysiga uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency.
Waxa uu tilmaamay in Codsiyadiisa had iyo jeer la diido, iyo inuusan fahamsanayn waxa socda, isagoo aad u dadaalayo.
Wareysigiisa waxa kale oo uu ku soo hadal qaaday inay Maamulayaasha Faransiiska marna isaga u oggolaanin inuu ku laabto Somalia, iyagoo tilmaamay inay khatar jirto.
Waxa uu is-weydiiyey, haddii ay Codsigiisa Magangelyo-doonka ku gacan-sayreen maxay waddooyinka iigu tureen iyo sida uu Noloshiisa ugu sii wadan karo Waddooyinka.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu si tiiraanyo weyn ula socdo Wararka Qaraxyada ee ka imaanayo caasimadda Somalia ee Mogadishu iyo inuu dareemayo sidii inay isaga wax kasta ka lumeen.
“Qof kasta oo maanta I taageera, waxaana doonayaa inaan Anigana berrito kaalmeeyo qof kale” ayuu yiri.
Axmed Maxamed waxa kale oo uu xusay inuu aad uga tiiraanyeysan yahay in isaga lagu dayacay Waddooyinka Faransiiska
“Waxaan sameynayaa wanaagayga, mana garanayo waxa aan sameeyo iyo halka laga aadayo Xanuunka COVID 19” ayuu yiri, wuxuuna sii raacay inuusan haysanin fursad uu ku shaqeysto iyo inuu Lacag ka helo Europe.
Muwaadinkan Soomaalida ee ku dac-daraysan Waddooyinka Faransiiska waxa uu shegeay inaysan Qoyskiisa ku nool Somalia aysan wax Fikrad ah ka haysanin Xaalladiisa, oo hadday xaalkiisa ogaadaan ay moral-dilaacin karaan oo ay Stress ka qaadi lahaayeen.
“Europe waxay sheegaan inay kaalmaynayaan oo ay taageerayaan Qaxootiga. Balse, Anigu waxaan tegay dhowr bilood 6-dii sano ee ugu dambaysay, waxay sheegaan iyo waxa ay smaeeyaan waxay yihiin kuwo kala duwan dhamaantooda” ayuu yiri Axmed Maxamed.
Haatan, waxa uu si KMG ah qaxooti ahaan u magan-galay Jamciyadda As-Sufa Assocition oo ku taalla Gobalka Yvelines ee dalka Faransiiska.