Post View....

Soomaaliya oo Hadal ka jeedin doonta Beri Galab Gunaanadka dhageyska dacwadda Badda.

0
154

Maxkamadda Caddaalada ee ICJ ayaa berri galab dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda ee Soomaaliya, taasi oo kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed ayaa sheegay in ay berrito maxkamdda ka horjeedin doonaan gunaanadka dhageysiga dacwadda ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saarey Mahdi Guulleed ayuu ku yiri “Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya”.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa maanta hortigin maxkamadda, kadib markii ay diiday in ay ka qeyb gasho dhageysiga dacwadda badda ee ka socota maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaana sheegtay in ay ka xuntahay, in ay Kenya ka maqnaato maxkamadda, balse waxay tilmaamtay in ay hayaan caddeymaha qoraalka ee dooda Kenya.

About Author