Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Murashaxiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka.

Kulankaasi ayaa calaamad su’aal geliyeen Siyaasada Soomaaliya qolyaha isha ku haya ee hanka kaleh inay xil ka qabsadaan.

Qaarkood ayaa ku micneeyey kulankaas mid Murashaxiinta Rooble la shiray mid olole Doorashada Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ku taageerayaan.

Si cad looma sheegin waxyaabaha kasoo baxay Shirkii dhacay iyo ujeedkiisa dhabta waxa uu ahaa.

Todobaadkii hore Rooble iyo Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku kala tegay shirar ay lahaayeen arimo siyaasi la isku qabtay.