Post View....

Sargaal Keligiis Qaatay Go’aan Oo Xabsiga Loo Taxaabay Garowe (Magaciisa)

0
127

Wararkii ugu dambeeyey Ee Naga Soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Amniga aad loo adkeeyey kadib xogo sirdoon oo sheegay in weeraro Argagaxiso ay Magaalada kusoo wajahan yihiin.

Taliyaha Qeybta  Booliska Gobolka Nugaal  Maxamed Aadan Jaamac ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro Sargaal qaatay Go’aan lala ogeyn islamarkaana shacabka uu dul dhigay Amarkaasi.

Axmed Maxamuud Cali oo ah Taliyaha Seddexda Bar Koontarool Ee Garowe laga soo galo ayaa loo xiray Amar aan lala ogeyn uu shalay isniintii Shaaciyey in Qofka Garowe ka baxaya iyo kan soo galaya laga rabo in Qof Damiin ah.

Ciidamada ayaa loo diray oo xiray Taliye Axmed kaas oo amarka Lagu xiray uu bixiyey Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal oo fariin ka helay madaxweyne Siciid Deni.

Todobaadkii hore ayaa Al Shabaab inta ay weerareen Xilli Habeen Ah Xabsiga Dhexe Ee Boosaaso kadibna ay maxaabiis badan sii daayeen oo xukuno kala duwan loo heystay.

 

About Author