
Safiirada Boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Ambassador Kate Foster ayaa ka hadashay shirkii shalay ka furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Xalane ee arrimaha doorashooyinka.
Safiirada ayaa ku amartay madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda Federalka iney sii wadaan wadahallada iyada oo hoosta ka xariiqday in uu noqdo mid loo wada dhan yahay.
Mrs Kate Foster ayaa sidoo kale ku baaqday in la hergeliyo heshiikii 17-kii September kaa oo ay tilmaamtay inuu yahay midka kale ee doorashooyinka Soomaaliya horay u sii wadi kara.
Dhanka kals safiirada ayaa xustay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan doorasho islamarkana ay aad u daneynayaan taa oo ay ula jeedo in aan la aqbali karin marnabo muddo kororsi.
“ Waa qasab in la sii wado wadahallada, waana in loo wada dhanyahay iyadoo la hergeliynayo heshiiskii 17-September” ayey tiri Safiirada.
Hadalka Kate Foster ayaa ku soo aadaya xili safiirka Mareykanka Donlad Yamamoto uu ku amray madaxda maamul goboleedyada ineysan ka bixi karin Muqdisho ilaa laga heshiiyo.
Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya ka howlgala ayaa cadaadis xoog leh saaraya dhinacyada si loo heshiiyo iyadoo dhinac walba uu wato shuruudo u gaar ah.
Madasha Badbaado Qaran ayaa sidoo kale culees weyn ku saareysa Beesha Caalamka in awoodaha fulineed laga wareejiyo madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Villa Soomaaliya iyadoo oo sidoo lale ay dalbanayaan in xilka laga qaado Talyeyasha ciidamadii ku lugta lahaa weerarkii 19-kii Febraayo, si doorashada ay u noqoto mid daah furan.