
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.
Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.
Khaan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.
Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.