Muqdisho:- Iyada oo la fulinayo amarka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda  iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidanka xoogga dalku waxa ay howlgal ballaaran oo cadawga lagu cirib tirayo ka wadeen deegaano ka tirsan gobollada Shabeelooyinka.

Ciidanka Xoogga ayaa howlgalkii ugu dambeeyay ka fuliyay tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey,Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow,Cadeyley,Lafagaale iyo kuwa kale waxaana Howlgalkaan oo qaatay saacado badan jab xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha howlgalka Hoggaaminayey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in lagu qabtay 18 Maleeshiyaad ah kuwaas oo qaalbilsanaa miina gelinta waddada u dhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada si loo baabi’iyo miinooyinka ay geliyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe  taliyaha ciidanka howlgalkan fuliyey.