Kulamo gaar gaar ah ayaa ka dhacayey Saacadihii Lasoo dhaafay Xafiisyada Madaxda ugu sareysa Dawlada Xil gaarsiinta,xilli loo ballansan yahay in Shir ballaaran Todobaadkaan uu ka dhaco Muqdisho.

Inta aysan Imaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Xamar kusoo wajahan ayaana Shirarkaan ay kusoo aadayaan,waxaana si dhab ah loo ogeyn waxa laga hadlayey.

Kulamada ayaa waxa yeeshay Madaxweyne Farmaajo oo Bil maanta ubuuxsantay muddo kororsiga Villa Soomaaliya ku joogo iyo Xubno aad ugu dhaw Nabad iyo Nolol.

Shirqoolo Siyaasadeed iyo kala dhantaal lagu sameenayo Awooda Deni iyo Madoobe lasoo shirtegayaan Madasha La iclaamiyey ayaa laga arinsaday.

Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Oo Ah Milkiilaha Dawlada Soomaaliya ayaa waxa uu dejiyey Qorshe ah in lala Heshiiyo Siciid Deni,Lacagna loo ballan qaado kadibna sidaas Deni loogu diro Axmed Madoobe maadaama ay is fahamsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa culeys badan saaraya Siciid Deni uu la heshiiyo kadibna Axmed Madoobe waxa afka qaban kara Madaxweynaha Puntland oo ay isku siyaasad noqdeen.

Saraakiil iyo Xildhibaano kasoo Jeeda Maamulada Jubbaland iyo Puntland Oo Dawlada Dhexe katirsan ayaa kulamadaasi dhacay ka qeyb galay sida aan xogaha ku ogaanay balse go’aanada ugu dambeeya iyo istaraatiijiyada la adeegsanayo mar walbo waa isbadeli karaan.