Muqdisho:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo James Swan ayaa ka wadahadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda shirka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan heshiiskii 17-kii September oo haatan caqabado badan ay ku geedaamanyihiin dhaqan galkiisa.
Sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas waxay sidoo kale labada masuul ka wada-hadleen shirarkii guddiyada farsamo ee Baydhaba ka dhacay bishii hore ee Febraayo, shirkaas oo horay loo sheegay in xal looga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada Soomaaliya.
Kulankaan Qoor Qoor iyo James Swan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed ay shuruudo ku xirayaan ka qeyb galka shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee lagu wado inuu Xalane ka dhaco.