Wasaaradda waxbarashada Afghanistaan ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso wareegto ka soo baxday agaasimaha waxbarashada caasimadda Kaabuul oo uu gabdhaha ay da’doodu ka weyn tahay 12 jir uu uga mamnuucay iney meel fagaara ah ku heesaan.
Mamnuucidda gabdhaha ardayda ee ay da’doodu ka weyn tahay 12 jir waxaa ka dhalatay cambaareyn xooggan oo dhanka baraha bulshada ah iyada oo uu billawday olole loogu magacdaray #IAmMySong.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu taagan yahay walaac laga qabo cawaaqib xummada ka dhalan karta heshiis nabadeed oo lala galo ururka Taalibaan.
Intii uu ururka Taalibaan uu talada dalka Afghanistaan hayey gabdhaha waxaa loo diiday waxbarasho iyada oo heesaha badankoodna la mamnuucay.
Wareegta ka soo baxday maamulaha waxbarashada caasimadda Kaabuul waxaa lagu sheegay in gabdhaha ay da’dooda ka weyn tahay 12 jir iney ka qayb qaadan karin bandhigyada heesaha ee iskuullada lagu soo bandhigo, sida oo kalan waxaa la mamnuucay gabdhaha ay da’doodu 12 jirka ka weyn tahay inuu maaddada musika uu bari karin macallin rag ah.
Wasarradda waxabarashada waxay sheegtay arrintaasi iney ka tarjumeyn ay wasaaraddu arrinkan ka taagan tahay, qiimeyna ay ku sameyneyso ayna qaadi doonto tallaabooyin sixitaan ah.
Mamnuucidda dhowr maalmood ka hor lagu soo rogay gabdhaha dugsiyada waxbarashada ku sugan ee ay da’doodu ka weyn tahay 12 jir fagaaro ku heesi karin, dadka arrintan u ololeeya waxay ku tilmaameen tillaabbadaasi iney tahay dib u dhac ku yimid xuquuqda waxbarashada gabdhaha.
“Ilaahoow, na cafi, bani-aadamku wuxuu u muuqdaa mid naxariis daran oo ay xataa ubadka arki karaan aragtidooda ku saleysan Jinsiga” ayey barteeda Twitterka ku soo qortay Shafiqa Khpalwak oo ah qoraa ahna gabayaa caan ka ah dalkaasi.
Haweenka arrintan ka soo horjeeda qaarkoodna xaaladdan waxay la maseeyeen xilliga uu ururka Taalibaan waddanka xukumayey ee 2001-dii inta aan xilka laga tuurin, xilligaasi oo gabdhaha laga mamnuucay iney waxbarashada iyo iney heesaan intaba.
“Arrintan waa mid bulshada dhexdeeda looga hirgelinayo rabitaanka Taalibaan,” ayey tiri Sima Samar oo muddo 40 sana ah xuquuqda haweenka Afghanistaan u ololeyneysay hadalkeedaasi oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AP.
Warfidiyeennadu waxay shegayan dowladda Afghanistaan inuu hadda saaran cadaadis ah iney heshiis nabadeed la gasho Taalibaan, inkasta oo dumar badan oo reer Afghanistaan ah ay doonayaan in la joojiyo rabshadaha muddada dheer soo socday iyaga oo dhanka kalana ka walwalsan xuquuqahooda mustaqbalka.