Post View....

Maxoow ahaa shirka deg dega ee kadhacay Villa Soomaaliya oo looga tashaday Deni iyo Axmed Madoobe

0
139

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la leh madaxweynyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Ra’iisal wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa si gaar ah uga socda madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararka qaar sheegayaan in kulanka diirada lagu saarayo xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan ayaa ka arrinsanaya sidii ay go’aan uga qaadan lahaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi DENI oo diidan shirka Muqdisho ka socda.

Wixii ku soo kordha warkan fillo.

About Author