Shiinaha ayaa xoog ku kala qeybiyay qoysaska Muslimiinta Uighur, waxaana caruurta yaryar la geeyay xarumaha agoonta ee dalkaas, sida ay sheegtay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Warbixin cusub, ayay Amnesty ku sheegtay in Shiinaha ay ka codsatay in la siidaayo dhammaan carruurta Muslimiinta ee lagu hayo xarumaha agoonta ee aan ogolaansho looga haysan qoysaskooda.
Hay’addan ayaa lahadashay waalidiin caruurtooda ugaga tagay eheladooda Shiinaha, ka dib markii lagu khasbay in ay wadanka ka cararaan.
Urururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay Shiinaha ku eedeeyeen inuu xiray in ka badan hal milyan oo ah Muslimiinta Uighur.
Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale la kulantay eedeymo fara badan oo ah xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhan ah qowmiyadda Uighur iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay, waxaana tacaddigaasi ka mid ah, muquunin, isir sifeeyn qasab ah, iyo kufsi.
Dowladda ayaa beenisay in ay qowmiyadda Uighur ku hayso xeryo ku yaal gobolka Xinjiang ee woqooyi-galbeed Shiinaha. Waxay sheegtay in xeryaha ay yihiin “dhaqan celin ah” oo loo adeegsado la dagaalanka argagixisada.
Maadaama marinka Xinjiang uu yahay mid xadidan, hay’adda Amnesty waxay lahadashay Uighur-ka ay u suuro gashya in ay ka cararaan Xinjiang kahor inta aan la xoojin caburinta dadkaas Muslimiinta ah lagu hayo, sannadkii 2017.
Mihriban Kader iyo Ablikim Memtinin waxay ka soo qaxeen magaalada Xinjiang, waxayna haddan deggan yihiin dalka Taliyaaniga, sannadkii 2016 ka dib markii ay booliska dhibaateeyeen isla markaana lagu cadaadiyay in ay ka tanaasulaan baasabooradooda, Amnesty ayaa sidaasi tiri.
Waxay afar caruur ah uga tageen xanaanada kumeelgaarka ah ee ayeeyadeed iyo awoogeed, laakiin ayeeyadeed ayaa loo qaaday xero lagu hayo, halka awoowgana ay su’aalo weydiinayaan booliska, ayay hay’adu tiri.
“Qaraabadayada kale kuma dhiiran karaan in ay ilaaliyaan caruurteyda ka dib wixii ku dhacay waalidkey,” Mihriban ayaa u sheegay Amnesty. “Waxay ka baqayeen in iyagana xerada la geeyo.”
Bishii November ee 2019-kii, Mihriban iyo Ablikim waxay dowladda Taliyaaniga ka heleen ruqsad ay ku keenayaan carruurtooda si ay ula midoobaan, laakiin carruurta waxaa qabtay booliska Shiinaha, waxaana loo diray xarunta agoonta ee ay maamusho dowladdu, sida ay sheegtay Amnesty.
“Hadda carruurtayda waxay ku jiraan gacanta dawladda Shiinaha mana hubo in aan awoodi doono in aan mar kale la kulmo inta aan noolahay,” ayuu yidhi Mihriban.
Omer iyo Meryem Faruh, oo u qaxay Turkiga, dabayaaqadii 2016, waxay ka soo tageen laba caruur oo shan iyo lix sano jirro kala ahaa, sababtoo ah ma aysan haysan dukumiintiyo dhanka safarka ah, Amnesty ayaa sidaas ku xustay warbixinteeda.
Waxay ogaadeen goor dambe in ayeeyadii ay uga tageen caruurta la xiray lana geeyay xero oo ilaa iyo hada wax war ah aan laga helin caruurtooda.
Warbixinta Amnesty waxay Shiinaha kaga codsaneysaa inay galaangal aan xadidneyn u siiso xarunta Xinjiang, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, cilmi baarayaal madax banaan iyo saxafiyiinta, sidoo kalana in dhamaan caruurta la hayo iyadoon waalidkood ogolaan looga haysan la sii daayo.
Dukumeentiyo sir ah oo warbaahinta loo dusiyay sannadkii 2019 ayaa shaaca ka qaaday qaabka ay dowladda shiinaha u mareyso tashkiilinta boqollaal kun oo qof oo ah muslimiin ku xiran xeryo aad loo ilaaliyo, kuwaas oo ay dooneyso in maskaxiyan ay afkaartooda badasho.
Dukumeentiyo rasmi ah oo ay nuqullo ka mid yihiin oo ay heshay BBC-da xilliggaas, gaar ahaanna barnaamijka baaritaannada Panorama, ayaa muujinayay in dadka xeryahaas lagu hayo ee maxaabiista ah in si khasab ah looga dhaadhicinayo afkaar aysan raalli ka ahayn, ciqaabna ay halkaasi kala kulmaan.
Mareykanka, Canada, iyo Nederland waxay caddeeyeen in Shiinaha uu xasuuqayo dadka Muslimiinta Uighur.
Muslimiinta Uighur ayaa bartilmaameed u nqoday Dowladda Shiinaha, waxaana sidoo kale ku wehliya dad kale oo ay ka mid yihiin Muslimiinta Kazakhs.
Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horay Dowladda Shiinaha ugu eedeysay in dadka Muslimiinta ay ku qasabto in ay ka baxaan diinta Islaamka iyo tashkiilin qasab ah, iyo in maskaxdoodana laga masaxo fikirka diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin.
Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, ka dib markii la soo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha.