
Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxwayneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa Axada maanta ah waxa ay ku shireen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyada oo aan wali laga heshiin doorashooyinka dalka sanadka 2021.
Kulankan oo ku qabsoomaya gudaha xeradda Xalane waxaa lagu gorfeynayaan xaaladihii ugu ee doorashooyinka si gaar ah khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah loona dhan-yahay.
Sheekh Shariif Axmed, Gudoomiyaha golaha midowga Musharixiinta oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in diirada lagu saaray shirka “sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda”.
“Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda” ayuu bartiisa Facebook ku daabay Sheekh Shariif.
Wadahadalkan oo la fahansan yahay in uu yahay hal maalin ayaa kusoo hagaagaya xilli la hadal haayo in dhowaan uu shir u furmo madaxwayneyaasha maamuladda iyo hogaanka dowlada federaalka ah.
Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo dhankiisa kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in diirada lagu saaray “sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda”
“Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda” Ayuu yiri Mr Warsame.
“Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Kulankaan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee xalka loogu goobayo kala aragti-duwanaanta doorashooyinka Soomaaliya iyo in madaxwaynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu qabto doorashooyin loowada dhan-yahay.