Waxaa aad u batay dalabka Irbadaha dadka lagu mudo xilligan oo caalamka fara ba’an ku hayo Feyriska Corona.

Mid ka mid ah warshadaha waawayn ee soo sara irbadaha lagu mudo bukaanada ayaa ku taalla dalka Hindiya, waxaana xilligan ay wajahaysaa culeys badan.

Mid ka mid shalaaha warshada oo ku uda jira shaqada sameynta Irbadaha

Warshadda ayaa daqiiqadii imika soo saartaa 6,000 oo irbadood.

Rajiv Nath, oo ah madaxa warshada ugu wayn ee Irbadaha soo saarta dalka Hindiya ayaa sheegay in dalabka Irbadaha uu xiligan aad u badan yahay maadaama caalamka uu ka socdo tallaalka feyriska Corona.

Waxaa uu intaa ku daray in uu celiyo ilaa 40 dalab maalin kasta taasi oo uga imanaysa guud ahaan caalamka.

Mr Nath oo ah madaxa shirkadda irbadaha soo saarta ee Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ayaa sheegay in gudaha Hindiya maadaama laga bilaabay tallaalka ay ka helaan dalabaad badan.

Warshada ayaa imika maalinkii soo saarta 4 milyan oo irbadood.

Balse Mr Nath ayaa sheegaya in marka wax soo saarkooda la eego uusan ku filnayn oo uusan kaafin Karin baahida jirta.

Caalamka ayaa u baahan 10 billion oo irbadood si loo tallaalo 60% bulshada caalamka ku nool.

Mr Nath ayaa rajeynaya in la heli doono wada shaqeyn dhex marta hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, dowladaha iyo warshadaha soo saara Irbadaha si xal loo helo baahida jirta.

Warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ee soo saarta Irbadaha ayaa waxaa sanadkii markii hore ay soo saari jirtay 2.5 bilyan oo irbadood.

Balse sanadkan baahida jirta awgeed waxay warshadda la qorsheynayaa in ay soo saarto 2.7 bilyan oo irbadood.

Rajiv Nath, ayaa xusay in ay sidoo kale ku qasbanaadeen in ay qoraan shaqaalo cusub oo ka qeyb qaata howsha culus ee soo saaridda Irbadaha bukaanada lagu mudo.

Waxaa uu intaa ku daray in ay shaqaaleysiiyeen oo ay tababareen shaqaala tiradooda u dhaxeyso 500 ilaa 1000 qof.

Mr Nath ayaa sheegay in maalinkii ay helaan 30 ilaa 40 Email oo uga yimaada dalal ay ka mid yihiin Jarmalka,Mareykanka, Taliyaaniga iyo Britain kuwaasi oo dalbanaya Irbado si loogu adeegsado tallaalka.

Madaxa warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ayaa farta ku fiiqay in ay isku dayayaan sidii ay isugu dheelitiri lahayeen baahida dalka Hindiya iyo midda guud ahaan caalamka.

Dalabka Irbadaha ayaa sare u kacay tan iyo intii la shaaciyay in la helay tallaalka feyriska Corona.

Warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) oo ka mid ah warshadaha ugu waawayn ee soo saara irbadaha lagu mudo bukaanada ayaa xilligan wajaheysa culuyso iyo dalabaad badan.