
Beledxaawo:- Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.
Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo.
Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda la mid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadalladaa ayaa waxa ay u dhexeeyaan wakiilo ka socda dowladda dhexe iyo saraakiil ka metaleyso wasiir Janaan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka.
Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.
Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho, isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo, kadibna dagaal ka bilaabay Beledxaawo.