Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedka ka dhamaadey waxay ku mashquulsan yihiin kala qeybinta Musharaxiinta mucaaradka, sida uu sheegay Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirkii hore ee warfaanta xukuumaddii xasan Cali Khayre oo Jimcada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in musharaxiinta uu madmadow soo kala dhex-galay.

Sida laga soo xigtay Geelle, Golaha Midowga Musharaxiinta “maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan”.

“Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo.

Dhanka dowladda haddii aan ka irinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay!”.