Waxaa magaalada The Hague ee dalka Holland ka bilowday goor dhawayd dhagaysiga dacwadda muranka badda ee udhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa u muuqata inay ku gacan sayrtay dalab dowladda Kenya ay maalmo kahor u gudbisay oo ahaa in maanta loo oggalaado in ay hadal ka jeediso furitaanka maxkamadda, waxaana warbaahinta gudaha Kenya ay qorayeen in maxakamaddu arrintaas dhagaha ka fureysatay.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ka xun tahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiskaan.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay Maxakamadda ayaa sheegay inay kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga .

Hadda waxaa si toos ah u socda hadal jeedinta qareennada Soomaaliya u doodaya .