Muqdisho:-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaziiz Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka Koonfur  Galbeed iyo siyaasiyiin kale.

Dhammaan madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in 22-ka bishan uu shir uga furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.