Post View....

Madaxweyne Biden oo shaaciyey Maalinta shacabkiisu ka xoroobayaan Coronavirus

0
111

Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladiisa ay dardar-galineyso dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus.

Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanka heli doono tallaal ku filan kaasoo ay qaadan doonaan dhammaan dadka waawayn ee Mareykanka dabayaaqada bisha May.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Mr Biden waxaa uu intaa ku daray inuu gobol walba ku amri doono in ay diyaariyaan tallaalka si qof walba oo Mareykan ah uu tallaalka u qaato.

Mr Biden ayaa farta ku fiiqay in maalmo wacan ay soo socdaan ka dib muddo sanad ah oo uu feyriska Corona dhibaato ku hayay Mareykanka islamarkana ay u dhinteen nus malyuun Mareykan ah.

“Hadii aan howsha wada qabano, marka la gaaro 4 July waxaa jiri doona fursad ah in qoysaska iyo asxaabta ay isu imaan karaan oo ay u dabaaldagi karaan maalinta xorriyadda,” ayuu yiri Mr Biden.

Waxaa uu intaa ku daray in dadka dalka aysan u dabaaldagi doonin oo kali ah maalinta xorriyada, balse ay sidoo kale u dabaaldagi doonaan ka xaroobidda cudurkan.

 

About Author