Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay markii afaraad ku baaqay shir lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashada ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Sida ku cad bayaan ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha shirkan ayaa qabsoomi doona 22-ka Maarso 2021-ka, waxaa uuna socon doonaa muddo labo maalmood ah.
Shirkan madaxweynaha uu ku baaqay ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii guddiga farsamada doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhaba ee dhacay 15-16 Fabraayo 2021.
Shirka Baydhaba ayaa ahaa mid ay dowladdu sheegtay in xal looga gaaray tabashoyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee dhusamareeb 17-kii September 2020-ka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir in ay ahmiyad gaar ah siiyaan qabsoomida shirkani.
Hadalka madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya xilli qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Madaxwaynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeele ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxdan oo u timid shir lagu waday in uu ka dhaco gudaha xerada Xalane ayaan suurtagalin ilaa iyo imika in uu shirkaasi qabsoomo.
Beesha caalamka ayaa isku dayeysay iney dhinacyada u kala dabqaato si la isugu soo dhawaado.
Baaqa madaxweynahana wuxuu ku soo beegmaya xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Antoney Blinken uu walaac xooggan ka muujiyey arrimaha doorashada Soomalia.
Madaxda Soomaalida ayuu ugu baaqay in loo baahan yahay qabashada doorasha deg-deg ah.