
Wararka laga helayo xarunta Xalane oo hoy KMG ah u ah madaxweynayaasha maamlada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegaya kulan gaar ah oo dhex-maray musharaxiinta iyo madaxweynayaasha maamuladaas,islamarkaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira doorashada.
Ilo wareedyo ku dhow Labada dhinac ayaa sheegay in kulan Albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay Xalane looga dhawaaqay Isbaheysi cusub oo Siyaasadeed,kaas oo qaadanaya go’aano masiiri ah.
Guddigaan oo ka kooban Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxweynayaashii hore ayaa si joogta uga shiraya mowqifyada iyo go’aanada laga qaadanayo shirka Beesha caalamku gar-wadeenka ka tahay.
Isbaheysigaa Siyaasadeed ee cusub ayaa si weyn uga soo hor jeeda qorshaha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ku wajahayo doorashada,isaga oo garab ka helayo maamulada Koonfur-galbeed,Galmudug iyo Hirshabeelle.