
Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa wax laga weydiiyey hadii ay jiraan shuruudo ay Galmudug ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu wado in ay ku yeeshaan xerada Xalane oo degan yihiin xubnaha beesha caalamka.
Wasiir Falagle ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay qabaan in Soomaalidu ay kaligeed wada-hadasho oo aan loo dhaxeyn, sidaas darteedna ay doonayaan in shirka soo socda ay marti geliso dowladda federaalka ama mid ka mid ah maamul goboleedyada.
“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.
Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweyneyaasha K.Galbeed, Galmudug ay Turkiga ku maqanyihiin.
Lama oga sida uu ku qabsoomi doono shirka ay garwadeenka ka tahay Beesha caalamka ee la qorsheeyay in uu ka dhaco xirada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqisho.