Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho janaasada loogu tukaday meydka madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Arbacdii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka.

Waxaa uu Cali Mahdi dalka madaxwayne ka noqday xilli aad u adkaa oo uu dalka dagaal sokeeye ku jiray.

Mar uu dabayaaqadii sanadkii aanu soo dhaafnay wareysi siinayay telefishinka Somali Cable ayaa waxaa wax laga waydiiyay arrimihii ugu adkaa ee intii uu xukunka hayay soo maray.