Post View....

Kulan baroordiiq oo loogu sameeyey dalka Holland Madaxweynihii hore Marxuun Cali Mahdi Maxamed

0
149

Kulan duco geeridii baxdinta laheed ee Ku timid Madaxweynihii Soomaaliya Mudane Cali Nahdi Moxamed oo ay isku yimadeen gudiga iyo madaxa jaliyada Zwoola iyo nawaxigeyda ee dalka Nederland oo uu horkacayay gudoomiyaha jaliyada Dr cabdulqadir Cali Nuune.

Kulankaasi ducada ah ayaaa maanta oo jimco ah loogu duceynayay madaxweynihihii hore soomaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geriyooday dalka Kenya.

Kulankaasi ducadaah ayaa waxaa uu ka dhacay guriga Bashiir Jiidaal Baroow ee dalka Holland kaga dagan yahay, sidoo kale halkaasi waxaa ka hadlay korneel Cabdulaahi oo kamid ahaa ciidamadii xooga dalka soomaliyeed iyo aqoonyahano waxaana ay u duceyeen madaxweynihii hore ee soomaliya ee Marxuun Cali Mahdi Maxamed waxaa ayna Alla ugu baryeen in qabrigiisa u nuuriyo kitabkiisaba gacanta midig ka siiyo

Ugu dambeentii kulankaasi ducada ahaa ayaa lugu wada duceystay in dalka iyo dadka ribi ka badbaadiyo jahawareerka iyo siyaasiyiinta u sii socdo uuna rabi u doorto masuul iskuwada raacsan yihiin ummadda Soomaaliyeed iyo quluubtoodana rabi isku soo dugo…… Amiin Amiin

About Author