Khuburro loo xil saaray inay wax ka ogadaan badqabka tallaalka Karona oo ka socday Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa maanta yeelanaya shir ay uga golleeyihiin inay dib u eegis ku sameeyaan tallaalka ka hortagga cudurka Karona ee Oxford-AstraZeneca kadib dalal dhowr ah oo ka tirsan Yurub ay joojiyeen adeegsiga tallaalka.

Waxaa jira ilaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo dadka tallaalka qaatay uu ku dhacay xinjirowga dhiigga.

UK iyo WHO waxay sheegeen in uusan jirin caddeymo ku aadan in tallaalka lala xiriiriyay xinjirowga dhiigga.

Waaxda dawooyinka u qaabilsan Yurub ayaa maanta shir ka yeelanaya walaaca laga muujiyay tallaalka.

Waxaana lagu wadaa inay kasoo saaraan go’aan ku aadan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

Ku dhawaad 17 milyan oo qof oo ku nool Yurub iyo UK ayaa qaatay tallaalka ka hortagga Covid-19 xilli lasoo weriyay kiisas ku saabsan in dad qaatay tallaalka lagu arkay xinjirowga dhiigga.

Dhawaan ayay aheyd markii Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ay ugu baaqday dalalka in aysan joojin isticmaalka tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira inuu sababo xinjirowga dhiigga.