Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu socdo dadaalo la isugu keenayo madaxda ku shirsan Afisiyooni iyo kuwa ka maqan.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Safiirka Mareykanka Donland Yamamoto iney bilaabay dadaalo ay isugu keenayaan madaxda kala maqan oo isku khilaafsan Ajandaha shirka.

Waxaa saakay waqti hore xaadiray Afisiyooni madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Farmaajo, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Galmudug Axmad Qoor iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaana shirka ka maqneyn Ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble.

James iyo Yamamoto ayaa isku dayaya iney Madoobe iyo Dani ka joojiyaan shir saxaafadeed ay qaban rabeen kaa oo ay kaga hadlayaan sababaha aysan u xaadiri karin.

Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ay xalay ku heshiiyeen in ajendaha lagu koobo natiijada guddiyada farsamo ee Baydhabo 15-16 bishii Hore iyo in aaney shirka iman xubno ka socda musharaxiinta, taasi oo Puntland iyo Jubbaland diidan yihiin!

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo taageero ka heysta madasha badbaadada qaran ayaa qaba in ajendaha lagu daro amniga doorashada iyo cidda sugeysa, in wax laga badalo booliiska, in shaqada laga joojiyo taliyeyaal ku lug lahaa weerarka mucaaradka ee 19 Febraayo, in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodihiisa, in xukuumadda ay sii wado arrimaha doorashada, in la dhiso guddi qaran oo muddada kala guurka maamula dalka oo xukuumadda iyo guddoonka ay baarlamaanka ay DF u matali doonaan iyo arrimo kale.