Wareysigii aadka loo wada sugayay ee Oprah Winfrey ayaa laga sii daayay warbaahinta Mareykanka iyo Britain, iyadoo Amiir Harry iyo Meghan ay dadka la wadaagayeen sheekada ku saabsan nolosha qoyska boqortooda UK.

Lamaanahan ayaa ka hadlay xiriirka ay la leeyihiin boqortooyada, cunsuriyada iyo caafimaad darada maskaxeed ee soo gaartay.

Meghan waxay lahadashay Oprah inta badan wareysiga, waxaana dib uga soo biiray Amiir Harry.

1. ‘Wadahadal ku saabsan sida midabka uu ilmuhu noqon karo’

Mid ka mid ah eedeymihii ugu weynaa ee ka soo yeeray wareysiga waa in ay jiraan “sheekooyiin dhowr ah” oo ka dhex socda qoyska Boqortooyada oo ku saabsan midabka uu Meghan iyo Harry canuggooda yeelan karo.