Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan, Javad Zarif, ayaa codsi hor leh u diray Maryaknak kaas oo ku aadan in la dhaqaajiyo isla markaana dib loo soo cusboonaysiiyo heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka, iyadoo Iiraan laga qaadayo cunnaqabateynta saaran.

Mr Zarif ayaa baaqay in loo baahanyahay in labada dhinacba ay muujiyaan tanaasul.Wuxuu sheegay in Mareykanku uu ku caan baxay in Iiiraan uu wax ku dirqiyo halka Iiraana ay ku caan baxday iska caabbinta Mareykanka .

Maamulka madaxweyne Biden ayaa doonaya in uusoo celiyo heshiisiikii Nucliyeerka,balse waxaa uu Tehran ka dalbanayaa in ay u hoggaansanto tallaabooyinka la isla oggalyahay ka hor inta aan laga qaadin cunnaqabateynta.

Iiraan ayaa jabisay qaar ka mid ah shuruudaha heshiiskiiNukliyeerka tan iyo markii maamulka Trump uu ka baxay heshiiska.

Mr Zarif wuxuu sheegay in wakhtigu uu gabaabsi yahay maadama doorashada madaxtinimada Iiraan lagu wado in ay dhacdo bisha Juun ee soo aadan sidaas darteeddna loo baahanyahay in Mareykanka uu qaado talaabo deg deg ah oo la isugu soo dhawaanayo xalna lagu gaaro.