Post View....

Dowlada Turkiga oo ka baxday Heshiis Caalami ah iyo Midowga Yurub oo ka carooday

0
154

Dowlada Turkiga ayaa isaga baxday heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuquuqda ragga iyo dumurka u dhashay dalkaasi, waxaana durba heshiiskaasi ay ka baxday Turkiga ka carooday Midowga Yurub.

Sida ay ku warameen Warbaahinta Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dalkaasi ka saaray heshiis ay horey u galeen oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xaquuqda raga iyo dumarka.

Wareegto uu saxiixay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha looga saaray  heshiiska loogu yeero Golaha Yurub  oo horey dowlada Turkiga u saxiixday sanadkii 2011-kii .

Xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub, Marija Pejčinović Burić, ayaa si kulul u cambaareesay heshiiskan Turkiga ka baxay, waxa ayna  sheegtay in tallaabadani dhabarjab ku tahay dhowrsita xuquuqda aadanaha ee dumarka Turkiga.

Heshiiskan la shaaciyay in dowlada Turkiga isaga baxday ayaa loogu tala galay in looga hortago, la maxkamadeeyo, lana cirib-tiro rabshadaha ka dhanka ah dumarka, wuxuu sidoo kale xoojinayay sinnaanta ragga iyo dumarka.

About Author