Waxaa Galabta Diyaarad nuuca meliteriga Turkiga leedahay ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxa Diyaaradaas ay Keentay Cutub katirsa  Ururka 15-aad Gunaanad ee Gorgor Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya katirsan.

Askartaan kasoo degay Madaarka Magaalada Muqdisho, ayaa qeyb ka noqon doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dawladda Turkiga ayaa siisay tababaro sare kuwaas Oo labo cisho ka hor Magaalada Isparta Dalka Turkiga kusoo bandhigay Askartaan Dhoolatuska wixii ay barteen.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Abuukaato Xasan Xuseen Xaaji Oo Ciidanka soo dhaweeyey galabta ayaa kula dar daarmay u adeegida Dalkooda iyo Shacabkooda.