Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday mid ka mid ah dhaqaatiirta ugu caansan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dr. Xeydar Cali Raage oo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudyrada ku dhaca Feeraha ayaa geeriyooday,waxaana ka tacsiyeeyay siyaasiyiin iyo xildhibaano.
Allaha u naxar Dr. Xeydar Cali Raage ayaa in mudda ah ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho.
Xildhibaano Siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed aya ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariiste Dr. Xeydar Cali Raage.