Shirka Arimaha Doorashada looga hadlayey ayna iskugu yimaadeen Madaxweyne Farmaajo & Maamul Gobolleedyada Taageersan ayaa ka dhacday Xerada Afisiyooni Ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxa warbixin looga dhageystay maanta uu kulanka maalintii labaad u aheyd Guddigii farsamada Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ee shirka ku yeeshay Baydhabo Bishii Hore Febraayo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in Shirka uu kusoo geba gaboobay maalintii labaad jawi deggan.

Kulanka waxa shir gudoominayey Madaxweynaha Wakhti Xilleedka ka dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,islamarkaana lagu gorfeeyey Arimaha La xiriira Doorashada.

Wasiir Dubbe ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Kulanka maalintiisii labaad ay ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni balse rajo ka muujiyey inay kusoo biiri doonaan.

Berri Oo Arbaco ah Wasiir Cusmaan Dubbe waxa uu sheegay in Shirka uu sii socon doono ayna Taliye Xijaar iyo Guddiga Amniga warbixin soo gudbin doonaan.

Sawirro lagu faafiyey Galabta Madaxtooyada Soomaaliya Mareegteeda Facebook waxa ku jiray Sawirro Labo Kursi ah oo banaan looguna talo galay Madoobe iyo Deni,taas oo sawir kale bixineysay Caalamkana lagu tusayey inay diidan yihiin.