× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
DHAGEYSO: Axmad Daaci oo hal arrin oo culus uga digay Madaxweyne Farmaajo
WARKA

DHAGEYSO: Axmad Daaci oo hal arrin oo culus uga digay Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) ayaa ka hadlay Xaalada Doorashada iyo Khilaafaadka xilligaan ka jira.

Waxa uu sheegay in Shirka maanta Arimaha Doorashada looga arinsanayo ku dhaliilayo in iclaamintiisa Madaxweyne Farmaajo culeys heysta ku yimid balse isagu marnaba jecleyn.

Axmed Daaci ayaa dhanka kale sheegay in ka hor Doorashada Dalka ka dhaceysa loo baahan yahay in la sugo Amaanka.

Isagoo sii hadlayey ayuu cod dheer ku sheegay in Ciidamada Qaranka aan loo adeegsan Dano gaar ah taas badelkeedana Dawlada looga fadhiyo inay la timaado Qorshe Amniga Lagu sugayo.

Siyaasiga ayaa la sheegay inuu mucaaradka Villa Soomaaliya ku jiro,iyadoo hadda ka hor uu wajahay isku dayo Dil loo maleegay xilli uu heystay Maamulka Degmo katirsan Muqdisho.

Hadalka Axmed Daaci ayaa kusoo beegmaya Xilli Madaxda Soomaalida ay kaga shirayaan Muqdisho Xal ka gaarista Ismari waaga ka dhashay Arimaha Doorashada dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA


About Author

2

Abdi Malik