Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa hadda shir uga socdaa hoteelka Decale oo ku yaala gudaha garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaanada, ayaa sheegaya in haddii wada-hadalka uu guul dareesto aytahay in Baarlamaanka Soomaaliya lagu celiyo doodda Doorashada.
Guuxa Siyaasadeed ee kulanka Afisiyooni ayaa qayb ka ah doodaha salka ku haya arinta Doorashada maadama horay looga war qabay in madaxweynaha uu doonayo inuu Baarlamaanka ku soo celiyo heshiis walba oo la gaaro.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay iney yihiin kuwa taageersan madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo waxaana ay sheegeen iney doonayaan doorasho qof iyo cod ah iney dalka ka dhacdo iyadoo ay xusid mudan tahay in iyaga qudhooda aysan heysan sharciyad maadama muddo xileedkooda Dastuuriga oo dhamaaday sanadkii hore.
Lama oga talaabada ay damacsanyihiin iney qaadaan balse xogo aan helnay ayaa sheegay iney doonaayaan in xukuumadda xil gaarsiinta ay waqtiga u kordhiyaan taa oo khilaafka doorasho sii fogeyn karta.
Waxaa sidoo kale Muqdisho ka socda dhaqdhaaq ay wadaan Madasha Badbaado Qaran oo lagu abaabulayo Xildhibaanada Mucaaradka si ay iyagana saameyn ugu yeeshaan arrimaha ay damacsantahay xukuumadda xil gaarsiinta.
Ā