Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Xalay fiidkii gudaha degmadaasi ay ku dagaalameen ciidamada ammaanka iyo Rag hubeysan oo la sheegay in ay Burcad ahaayeen.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Burcad ku hubeysan Baastoolado ay dhac ka geysteen Xaafadda Horseed ee degmada Yaaqshiid,islamarkaana dadkii laga qaatay Teleefoonada ay ku war-geliyeen ciidamada.
Intaas kadibna ciidamada ayaa sameeyay howlgal lagu baadi goobayay kooxahaas,iyada oo markii dambana ay Burcadda oo dhac kale geysanaya iyo Ciidamada roondada ku jiray ay isku soo dhaceen,sidaasna ay is Rasaaseyn kooban ku dhex-maetay.
Laamaha amniga iyo dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in Gacanta lagu dhigay Laba ka mid ah Burcaddii dhaca u geysatay dadka shacabka ah,islamarkaana la geeyay Saldhigga degmada Yaaqshiid.
Degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa faro ba’an ku ha6ya kooxo Burcad ah oo inta badan dhac hubeysan u geysta dadka shacabka ah,kana qaata agabyada fud-fudud sida Teleefoonada Gacanta.