Muqdisho.:- Ciidanka  Suudaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si sharci darro lagu soo gelinaayay dalka.

Bayaan kasoo baxay ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay  laga soo tahriibiyay mid ka mid ah wadamda deris la ah Suudaan, inkasta oo an la magacaabin waddankaas

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidmadu heleen macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan tahriibinta hubkaan.

Ciidamada ayaa soo bandhigay sawiro iyo muuqaal muujinaaya hubka lasoo qabtay.

7dii bishaan  Maarso, ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay qabteen hub laga soo tahriibiyay dalka Itoobiya.